Barcelona iyo Man United oo bar-tilmaamed ka dhiganaya saxiixa xiddig ka ciyaara horyaalka Talyaaniga

(Yurub) 21 Jan 2020. Kooxda hogaamineysa horyaalka Spain iyo kooxda ugu guulaha badan horyaalka England ayaa waxa ay markan ku tartamayaan saxiixa ciyaaryahanka AC Milan ee Krzysztof Piatek.

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa gudaha wadanka Spain “Mundo Deportivo” ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay diyaar u tahay la soo wareegidda xiddiga ka tirsan kooxda AC Milan.

Labadan kooxood ayaa dhaawacyo waxaa kaga maqan Luis Suarez iyo Marcus Rashford, waana sababta ay suuqa bar-tilmaamed xagga No.9 ugu jiraan.

Image result for Krzysztof Piatek Man United and Barcelona

Sidoo kale kooxaha kale ee doonaya Krzysztof Piatek waxaa ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka Preimer Leagea ee Tottenham Hotspur iyo Newcastle United.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee wadanka Poland ayaa lala xiriirinayaa in uu ka tagayo Rossoneri, waxaana xusid mudan in badal aan la adeegsan uu noqday kullankii sabtida ee Milan ay 3-2 kaga adkaatay Udinese.

Gabi ahaan kooxaha ku tartamaya saxiixa xidigan ee kala ah Barcelona, Manchester United, Tottenham Hotspur, Aston Villa iyo Newcastle ayaa waxay fursad heysan kaliya 10-ka cisho ee bishan ka dhiman.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close