Arsenal oo qorsheyneysa inay soo qaadato xiddig ka tirsan kooxda Bayern Munich

(London) 21 Jan 2020. Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa ku fikireysa in qaab amaah ay ku soo qaadato daafaca Bayern Munich ee Jerome Boateng.

Hogaamiyaha Gunners ee Mikel Arteta ayaa waxaa aad u xadidan lacagaha uu ku garash gareynayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishan Janaayo, iyadoo 31-sano jirka Germnay ee Boateng uu arko xalka dhibaatada ka heysata dhanka daacafa.

Suuqan ka hor, Arsenal ayaa lala xiriirinayay in si joogtaha ay kula wareegeyso xiddigan hase ahaate waqti xaadirkan waxa ay ku dooneysaa qaab amaah ah.

31-sano jirkan u dhashay wadanka Germnay ayaa muddo dhan 18 bilood waxaa kaga dhiman qandraaskiisa kooxda Bayern Munich.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu dib u dhiso kooxda Gunners, isagoo ka bilaabaya xagga daafaca, suuqa xagaaga waxaa ku soo biiri doona William Saliba kaas oo kaga soo biiri doona kooxda St Etienne.

Halka wali ay baaqi ay ku yihiin xiisaha Dayot Upamecano, kaas oo qandraaskiisa kooxda Rer Bull Leipzig uu kaga harsan yahay 1 sano oo kaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close