Kooxda Paris Saint-Germain oo heshiiska u cusbooneysiinaysa Neymar Jr

(Paris) 20 Jan 2020. Paris Saint-Germain ayaa la warinayaa inay furtay wadahadallada ay ku doonayso in qandraas cusub  uga saxiixato Neymar Jr sida wararku ay sheegayaan.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa qudhiisa la soo sheegayaa inuu furayo heshiis cusboonaysiintiisa kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska.

27-sano jirkaan ayaa PSG kaga soo biiray kooxda Barcelona sanadii 2017-dii markaasoo lagu soo qaatay lacago rikoodhka adduunka ah, laakiin waxaa sii socda wararka la la xiriirinayo inuu dib ugu laabanayo Spain.

Sida laga soo xiganayo Wargeyska Daily Mail Neymar Jr iyo PSG ayaa furtay wadahadallada heshiis korshinta, Neymar ayaana ku faraxsan inuu sii saldhigto caasimadda France.

Xiddigii hore ee Kooxda Santos ayaa PSG u dhaliyay 64 gool, 73 kulan oo uu ka soo muuqday tan iyo sidii uu kaga mid noqday kooxdan.

PSG ayaa xoogga saareysa tartanka Champions League oo ay qeyb ka yihiin kooxaha soo gaaray wareegga 16-ka oo labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ay ka soo hareen kaddib markii ay khasaaro kula kulmeen Kooxaha Real Madrid iyo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close