Inter Milan oo markan weerar ku ah kooxda Manchester United

(Milan) 20 Jan 2020. Kooxda ka dhisan wadanka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa la soo warinayaa in ay dooneyso xiddiga Manchester United u ciyaara ee Tahith Chong.

Garablaha Holland ayaa si joogta ah bilooyinkii danbe loola xiriirinayay kooxda Juventus, Tahith Chong ayaana si cad u doonaya in uu ka tago Red Devils.

Tuttomercatoweb.com ayaa rumeysan in Nerazzurri ay la kulantay Sinouh Mohamed oo ah wakiilka Tahith Chong, si ay ugala hadasho rabitaankeeda ku aadan 20 sano jirkan.

Image result for Tahith Chong

Inter ayaa dooneysa in 5 sano oo qandraas ah ay ka saxiixato xiddigan oo xilli ciyaaredkii uu ku qaadanayo €2m oo lagu daray lacago guno ah taas oo ku xiran wax qabadkiisa.

Tahith Chong ayaa kaliya 2 kullan ka soo muuqday kooxda Manchester United xilli ciyaaredkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close