Goolhaayaha kooxda Manchester United oo galay shil gaari halis ah… (Sidee wax u dhaceen?)

(Manchester) 20 Jan 2020. Mid ka mid ah Goolhaayayaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lasoo warinayaa inuu galay shil gaari oo halis ah.

Goolhaayaha reer Argantina iyo kooxda Manchester United ee Sergio Romero ayaa galay shil gaari oo halis ah, kaasoo sababay inuu gaarigiisa burburo.

Sergio Romero ayaa shilkan ku galay maanta oo Isniin ah, meel u dhow garoonka tababarka ee kooxda Manchester United.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” ee dalka England gaariga uu watay Sergio Romero ee “Lamborghini” ayaa burbur xoogan soo gaaray, kaasoo qiimahiisu yahay 170 kun oo pounds.

Yeelkeede, kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay in goolhayaheeda uusan wax dhaawac ah soo gaarin, halka gaarigii uu saarnaa ciyaaryahanka uu burburay.

عرض الصورة على تويتر

Sergio Romero

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close