Barcelona oo qorsheeneysa in badelka Luis Suárez ay ka soo hesho kooxda Chelsea

(Barcelona) 20 Jan 2020. Barcelona ayaa qorsheeneysa in badelka Luis Suárez ay ka soo qaadato kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea, inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishan Janaayo.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Spain Pedro ayaa lagu soo waramayaa in uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Kooxda ka dhisan Gobolka Catalonia ayaa dooneysa badelka Suarez kaas oo garoomada ka maqnan doona in muddo ah, waxayna rajeyneysa in Pedro ay dib u soo ceshato.

Qallin lagu sameeyay Suarez ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan 6 todobaad uu ka maqnan doono kooxdiisa, kaddib dhaawac jillibka ka soo gaaray.

Sida laga soo xiganayo “Mundo Deportivo” oo Spain ka soo baxa, Barcelona ayaa tartanka loogu jiro bishan Janaayo xiddigeeda hore ee Pedro hogaanka u heysa.

Pedro ayaa kooxda koowad ee Barcelona qeyb ka ahaa intii u dhaxeysay sanadaha 2008-2015, wuxuuna kula guuleystay 5 jeer oo horyaalka Spain ah.

Sidoo kale Barcelona wuxuu kula guuleystay 3 jeer tartanka Champions League, ka hor inta uusan ku biirin naadiga reer London ee Chelsea sanadii 2015.

Pedro ayaa Chelsea la qaaday horyaalka Preimer Leagea, FA Cup iyo tartanka Europe Leagea, laakiin 11 kulan ayuu Blues ka soo muuqday xilli ciyaaredkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close