Antonio Conte oo ka jawaab celiyay dhaleeceyn uga timid Mourinho ee ku aadan heshiiska Eriksen

(Milan) 20 Jan 2020. Macalinka reer Talyaani iyo kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa go’aansaday inuu ka jawaab celiyo dhaleeceyn uga timid Jose Mourinho ee ku aadan heshiiska Christian Eriksen.

Inter ayaa waxay wada hadalo kula jirtaa kooxda Tottenham si ay u hesho adeega Christian Eriksen kaas oo dhici doona qandaraaskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Spurs-ka ayaa doonaysa in ay iska iibiso Christian Eriksen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishan Janaayo, si ay uga fogaato inuu kaga dhaqaaqo beeca xurta ah xagaaga dambe.

Jose Mourinho ayaa horey uga hadlay xiisaha uu Antonio Conte ka muujinayo adeega Christian Eriksen wuxuuna yiri:

“Waa in macalimiinta ay qaadaan mas’uuliyad, isla markaana aysan ka hadlin ciyaartoyda aan wali ku biirin kooxdooda, waana in tababarayaasha oo dhan ay ku dhaqmaan wadadaas”.,

Haddaba Antonio Conte ayaan sugin inuu ka jawaab celiyo hadalada ka soo yeeray macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho wuxuuna yiri:

“Wax badan oo ku saabsan suuqa kala iibsiga kama hadlo, markii ugu dambeysay ee aan sidan sameeyay, qof aan dhamaanteen wada naqaano ayaa gabagabeeyay erayadeeda, marka ma jiraan wax aan hadda ka hadlo”.

“Ma sheego wax aan caadi aheyn ee ku saabsan suuqa kala iibsiga si ay arrintaas u dhacdo, mar kasta oo aan wax sheego waa la weyneyn doonaa ama la marin-habaabi doonaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close