Liverpool iyo Chelsea oo ku tartamaya adeegga xiddig bar-tilmaameed u ah Real Madrid

(England) 19 Jan 2020. Liverpool ayaa diyaar u ah in kooxda Chelsea ay kula tartamaan adeega weeraryahanka naadiga kubadda kubadda cagta RB Leipzig ee Timo Werner.

Wargeyska caanka ah ee “Mirror” ayaa shaaca ka qaaday in Reds ay noqotay kooxdii ugu danbeysay ee ku soo biirtay tartanka loogu jiro Timo Werner, kaas oo ah weeraryahan aad u cajiib ah.

Timo Werner ayaa lagu qiimeeyaa in lagu heli karo adduun lacageed gaaraya  (€70m/$78m) .

Image result for Timo Werner Chelsea and Liverpool

Blues ayaa horey u furtay wadahadalada ay ku dooneyso xiddgan, laakiin Liverpool ayaa hada ku darsatay qorshaheeda xilli ciyaaredka soo adan.

23-sano jirkan caalamiga ah ee qaranka Germanay ee Timo Werner ayaa 2  gool dhaliyay sabtidii kulankii Union Berlin, islmarkaana 20 gool ayuu ka dhaliyay horyaalka Bundesliga, 18 kulan oo uu ka soo muuqday.

Si kastaba ha noqotee, kooxda Real Madrid ayaa la aaminsan yahay inay ku wehlineyso Liverpool iyo Chelsea raacdada loogu jiro adeegan ciyaartoygan.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close