Kooxda Real Madrid oo qarka u saaran inay Man United ku garaacdo saxiixa xiddig ka tirsan Ajax

(Madrid) 19 Jan 2020. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qarka u saaran inay Manchester United ku garaacdo saxiixa Van de Beek.

Jariiradda Daily Star ayaa warinaysa in Real Madrid ay qarka u saaran tahay inay ku guuleysato tartankii loogu jiray saxiixa laacibka khadka dhexe ee Ajax, Donny van de Beek.

Manchester United ayaa sidoo kale raacdo ugu jirtay saxiixa xiddigan reer Holland, laakiin waxaa haatan la filayaa inuu Van de Beek dhammeystiro heshiis ku kacaya 47 milyan oo gini ama 61 milyan oo dollar oo uu ugu dhaqaaqayo garoonka Santiago Bernabeu.

Van de Beek ayaa dhaliyey siddeed gool 26 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay Kooxda Ajax tartammada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close