Kooxda Manchester United oo magacaabanaysa agaasime cusub oo kubadda cagta ah

(Manchester) 19 Jan 2020. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa magacaabanaysa agaasime cusub oo dhanka kubadda cagta ah.

Wargeyska The Sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa shaaca ka qaaday shaqsiga noqon doona agaasimaha cusub ee dhanka ciyaaraha kooxda Manchester United.

Waxa uu Wargeysku warbixintiisa ku sheegay in agaasimaha Kooxda Lille ee Luis Campos uu noqon doono agaasimaha cusub ee kubadda cagta Kooxda Manchester United.

Kaddib baaritaan qaatay muddo 18 bilood ah, Ed Woodward waxa uu ka fiirsanaayaa haatan magacaabista Campos, kaasoo horay uga soo shaqeeyey naadiga Monaco ee ka dhisan Waddanka Faransiiska.

Campos ayaa waxaa sidoo kale horey u doonayay inuu keeno garoonka Old Trafford macallinkiii hore ee Kooxda Man United ee Jose Mourinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close