Kooxda Atletico Madrid oo markaan weerar ku ah Arsenal… (Waa kee xiddiga muhiimka ah ee ay doonayso inay ka soo qaadato?)

(Madrid) 19 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa la soo warinayaa inay markaan weerar ku tahay Arsenal, waxaana ay doonaysaa inay ka soo qaadato weeraryahan muhiim u ah naadiga reer England.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Atletico Madrid ay indhaha ku hayso weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette oo ay doonayso inay soo qaadato haddii ay ku guul darreysato saxiixa Edinson Cavani oo ka tirsan Kooxda Paris Saint Germain.

Los Rojiblancos kooxda lagu naanayso ayaa sidoo kale ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Naadiga Borussia Dortmund ee Paco Alcacer, iyadoo 26-sano jirkaan la filayo inuu ku laabto dalka Spain.

Cavani ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee kooxda Atletico, laakiin waxay durbadiiba arkeen in laga soo diiday dalab ku kacayey 10 milyan oo euro oo dhiganta 9 milyan oo gini ama 11 milyan oo dollar oo ay dirtay Naadiga PSG.

Waxa ay Mundo Deportivo haatan warinaysaa in haddii Atletico ay ku guuldarreysato saxiixa Cavani ay markaa awooddeeda isugu geyn doono sidii ay Gunners uga soo qaadan lahayd weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close