Cristiano Ronaldo oo guul ku hoggaamiyay Juventus kaddib markii ay ka adkaadeen kooxda Parma…+SAWIRRO

(Turin) 20 Jan 2020. Juventus ayaa guul ay u baahneyd kaga gaartay kooxda Parma garoonka Allianz, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hote ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Juventus.

Daqiiqadii 43-aad Juventus ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad kooxda Parma ayaa heshay goolka bar-bardhaca, waxaana dheesha 1-1 ka dhigay Andreas Cornelius, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Matteo Scozzarella.

Laakiin daqiiqadii 58-aad Juventus ayaa markale la wareegtay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu Cristiano Ronaldo ka dhigay 2-1, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Paulo Dybala.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay Juventus kaga adkaatay kooxda Parma oo marti ugu aheyd Allianz Stadium

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close