Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu dhaafo Rikoodhka halyeega reer France ee Michel Platini

(Turin) 19 Jan 2020. Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu sii wado bandhigiisa cajiibka ah uu ka sameynayo kooxda Juventus, isla markaana uu rikoodh cusub ah ka jebiyo halyeeyga reer France ee Michel Platini.

Ronaldo ayaa isku diyaarinayaa inuu hoggaamiyo weerarka kooxda Juventus kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan naadiga Parma horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ka sameynaya kooxdiisa Juventus, kaddib markii uu dhaliyay 9 gool, dhamaan 6-dii kulan ugu dambeysay ay Bianconeri ka ciyaartay horyaalka Talyaaniga.

Image result for michel platini and cristiano ronaldo

Haddaba sida laga soo xigtay wargeyska “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu halkiisa ka siiwado taxanihiisa gooldhalineed uu ka sameynayo Juventus, marka lagu darro inuu xiiseynayo gaaritaanka rikoodh shaqisyadeed ee cusub.

Ronaldo ayaa taxanihiisa ugu dheeraa ee gooldhalineed wuxuu ka sameeyay kooxda Real Madrid wuxuuna 11 kulan xiriir ah dhaliyay goolal, laakiin wuxuu wali awoodaa inuu isla rikoodhkaas oo kale ka sameeyo kooxdiisa haatan ee Juventus.

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu beegsanayaa inuu gaaro rikoorrada halyeeyada kooxda Juventus ee Michel Platini xilli ciyaareedkii 1983- 1984, iyo Roberto Bettega xilli ciyaareedkii 1979-1980, kaddib markii ay goolal ka dhaliyeen 7 kulan xiriir ah horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close