Barcelona oo guul dirqi ah ka gaartay kooxda Granada… +SAWIRRO

(Barcelona) 20 Jan 2020. Barcelona ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Granada garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar ka tirsaneyn kulamada horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Lionel Messi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Arturo Vidal

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay guul kaga gaartay Barcelona kooxda Granada oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close