Real Madrid oo guul ay u baahneyd kaga gaartay kooxda Sevilla garoonka Santiago Bernabeu… +SAWIRRO

(Madrid) 18 Jan 2020. Real Madrid ayaa guul ay u baahneyd kaga gaartay kooxda Sevilla garoonka Santiago Bernabeu, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 20-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Casemiro, waxaana goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Luka Jovic.

Laakiin daqiiqadii 64-aad kooxda martida aheyd ee Sevilla ayaa heshay goolka bar-baraha waxaana 1-1 ka dhigay Luuk De Jong, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Munir El Haddadi.

Daqiiqadii 69-aad markale Casemiro ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiia Real Madrid, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay guul kaga gaartay Real Madrid kooxda Sevilla oo marti ku aheyd garoonka Santiago Bernabeu, waxayna Los Blancos si ku meel gaar ah u qabatay hogaanka horyaalka La Liga.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close