PSG oo ku soo biirtay loolanka xiddig bar-tilmaameed buuxa u ah kooxaha Arsenal, Tottenham iyo Bayern Munich

(Paris) 18 Jan 2020. Paris Saint-Germain ayaa xiriir la sameysay garablaha kooxda Ajax ee Hakim Ziyech, xilli ay bar-tilmaamed ka dhiganayaan sidii ay u soo qaadan lahaayen.

Wargeyska “Soccerlink” ayaa ku waramaya in PSG ay ku soo biirtay kooxaha loolanka ugu jiro Hakim Ziyech.

Arsenal, Tottenham iyo Bayern Munich ayaa ah kooxaha sida weyn ula dhacsan hanan ciyaaredka xidiga muslimka ah ee u ciyaara Ajax .

Kooxda ka dhisan caasimada France ee PSG ayaa xiriir la sameyn doonta wakiilka Hakim Ziyech.

Image result for Hakim Ziyech

Suuqii aynu ka soo gudubnay waxaa xusid mudan in Liverpool ay dooneysay adeega xidigan, inkastoo hatan aan lagu soo darin kooxaha raadintiisa ku jira.

Ciyaarahanka caalamiga ah ee wadanka Morocco Hakim Ziyech ayaa 2019-kii qeyb ka ahaa 20-ka xidig ee loo doortay xidigaha ugu wanaagsan ee tartanka Champions Leagea 2018–19.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close