Muxuu ka yiri Jurgen Klopp xilliga la ciyaarayo koobka qaramada Afirca?

(Liverpool) 18 Jan 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in koobka qaramada Afirca ee la ciyaarayo bisha Janaayo ay jahwareer ku tahay kooxdiisa.

Waxaa shaaca laga qaaday goorta la ciyaari doono tartanka caanka ah ee Africa Cup of Nations.

Bilaha Janaayo iyo Feebaraayo ayaa si toos ah loo qaban doona tartanka kaas oo ka dhici doono dalka Cameroon.

Salah, Mane, Aubameyang, Zaha, Ndidi, Mahrez iyo xidigaha la midka ah ayaa waxa ay kooxahooda ka maqnaan doonan 6 kulan oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaaredka soo aadan.

Haddaba macalinka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa wuxuu dhaleeceyn u jeediyay xilliga la ciyaarayo koobka qaramada Africa iyo suurtagalnimada ah in dib loo dhigo illaa Janaayo wuxuuna yiri:

“Ma ixtiraami karo tartanka, waa wax aad u xiiso badan, in la ciyaaro bar-tamaha xilli ciyaareedka, waxay abuureysaa dhibaato weyn in loo badelo bisha janaayo”.

“Waxay dhibaato ku tahay Liverpool, sababtoo ah waxaan haysanaa ciyaartoy muhiim ah sida Maxamed Saalax, Mané iyo Naby Keïta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close