Manchester United oo u weecatay dhanka kooxda PSG si ay kaga hesho badelka Ashley Young

(Manchester) 18 Jan 2020. Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa raadinaya inuu xoojiyo kooxdiisa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishan Janaayo.

Ashley Young ayaa dhameystiray u dhaqaaqitaankiisa kooxda Inter Milan, kabtankii kooxda Manchester United ayaa naadiga reer Talyaani ugu biiray heshiis Lix bilood ah oo uu qiyaar u heysto in lagu kordhiyo sanad kale oo dheeri ah.

Manchester United ayaa bilawday inay raadiso badelka Ashley Young si ay u buuxiso booskii uu ka baxay, waxayna indhaha ku hayaan xiddig ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain.

Image result for Thomas Meunier PSG To Man Utd

Wargeyska “Manchester Evening News” ee dalka England ayaa tilmaamay in Manchester United ay xiiseyneyso inay lasoo saxiixato xiddiga reer Belgium iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Meunier.

Si kastaba ha noqotee, tabbare Solskjær ayaa wuxuu doonayaa inuu xal u helo kooxdiisa, kaddib bixitaanka Ashley Young, wuxuuna indhaha ku hayaa Thomas Meunier oo si wanaagsan kaga ciyaari kara booska daafaca garabka bidix.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in heshiiska uu Thomas Meunier ku joogo kooxda Paris Saint-Germain uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close