Man City iyo Arsenal oo taako loo dhigay & guud ahaan natiijooyinka kulamadii kale ee laga ciyaaray Premier League… +SAWIRRO

(England) 18 Jan 2020. Kooxaha Manchester City iyo Crystal Palace ayaa dhibcaha ku kala qaatay garoonka Etihad Stadium, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 2-2 ah ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Crystal Palace.
Daqiiqadii 36-aad kooxda Crystal Palace ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay ciyaaryahanka lagu magacaabo Cenk Tosun, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gary Cahill.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 82-aad Man City ayaa heshay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay Sergio Aguero, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gabriel Jesus.
Markale daqiiqadii 87-aad Man City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 2-1 ka dhigay isla weeraryahanka Argantina ee Sergio Aguero.
Laakiin daqiiqadii 90-aad kooxda Crystal Palace ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana iska dhaliyay Fernandinho, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-2.
Ugu dambeyna dheesha ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 2-2 ay isku dhaafiwaayeen labada kooxood Man City iyo Crystal Palace.
Dhinaca kale natiijooyinkii kale kulamadii laga ciyaaray horyaalka Premier League ayaa waxay u dhaceen sida tan.
Arsenal 1 – 1 Sheffield United
Brighton & Hove Albion 1 – 1 Aston Villa
Manchester City 2 – 2 Crystal Palace
Norwich City 1 – 0 AFC Bournemouth
Southampton 2 – 3 Wolverhampton Wanderers
West Ham United 1 – 1 Everton.
SAWIRRO:
Gool FM.