Kaddib Ashley Young Inter oo qarka u saaran inay soo afjarto heshiiska Eriksen & qiimaha uu ku bixi karo oo la ogaaday

(Milan) 18 Jan 2020. Christian Eriksen ayaa  ku dhow in uu ka dhaqaaqo kooxda kubadda cagta Tottenham Hospure islmarkaana uu ku biiro naadiga reer Talyaani ee Inter Milan sida uu sheegay wargeyska “The Sun” ee dalka England.

Heshiiskan oo ku dhow in uu hirgalo ayaa laga yaaba in lagu qaato Eriksen addun lacageed dhan £17 million.

Eriksen ayaa qandraskiisa Spurs waxa uu dhici doona dhamaadka xilli ciyaaredkan, kooxda macalin Jose Mourinho ayaana ku qasban in xidigan ay iska iibiyan bishan  maadama uu xur noqon doono.

Kaddib markii agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Inter Peiro Ausilio uu todobadkii hore bilowdgiisii u  soo dulaay London ayaa la fahansan yahay in heshiiska Eriksen ay todobadkan soo af jari karaan.

Eriken sidoo kale kooxaha ku loolamaya adeegiisa waxaa ka mid ah Manchester United iyo Real Madrid oo laba suuq ciyaared oo hore dooneysay inay la soo wareegaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close