Horudhac: Manchester City vs Crystal Palace… (Sky Blue oo eegeysa maanta inay gaarto guusheedii lixaad oo xiriir ah tartammada oo dhan)

(Manchester) 18 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa eegeysa inay gaarto guusheedii lixaad oo xiriir ah tartammada oo dhan marka ay garoonkeeda Etihad ku soo dhoweynayso Crystal Palace maqribinimada maanta oo Sabti ah.

Naadiga uu hoggaamiyo macallin Pep Guardiola ayaa ka sare martay Leicester City waxaana ay todobaadkii la soo dhaafay saldhigatay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, laakiin waxa ay weli 14 dhibcood ka dambeeyaa hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Liverpool.

Crystal Palace ayaa dhankeeda fadhisa kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana ay doonaysaa inay guul ka gaartay maanta naadiga Sky Blue, isla markaana ay soo tiigsato kaalimaha sare ee horyaalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti, 18 Jan 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 06:00 Maqribino xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Graham Scott (England)

Garoonka: Etihad Stadium

Wararka Kooxaha:-

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa in haatan aysan qabin wax dhibaato dhaawacyo ah kulanka ay soo dhowaynayaan Crystal Palace.

Aymeric Laporte ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Sky Blue, laakiin uma badna inuu ciyaari doono kulankan, halka Leroy Sane uu yahay mid waqti dheer ka maqnan Man City.

Crystal Palace ayaa ganaax ku weyn doonta kulankan Luka Milivojevic, kaasoo sidoo kale bartanka kaga jira ganaax saddex kulan kaddib markii uu kaarka cas qaatay.

Daafaca Palace ee Joel Ward ayaa diyaar ah kulankan kaddib markii uu dhaawac ka qabay jilibka, laakiin laacibka khadka dhexe ee Max Meyer ayaa la maqnaan doona dhaawac canqowga ah oo soo gaaray kulankii ugu dambeeyey oo ay barbaraha la galeen Arsenal.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Manchester City ayaa guuleysatay todobo ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Premier League ka hortagtay Crystal Palace (7 Guul, 1 Barbaro, 1 Guuldarro), iyadoo guuleysatay mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeeyey.

>- Crystal Palace ayaa 3-2 ku adkaatay markii ay ugu dambeysay oo ay horyaalka Premier League booqatay Manchester City oo ay kula soo dheeshay garoonka Etihad, kooxda the Eagles lagu naanayso ayaanan guuleysan kulamo xiriir ah iyadoo marti u ah Man City.

>- Crystal Palace ayaa guuldarro la kulantay mid ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, waxaana ay haysataa 3 guul iyo 5  Barbaro.

>- Crystal Palace ayaa noqon karta kooxdii saddexaad ee soo guuleysata iyadoo wajahaysa kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedyo isku xiga, kaddib Liverpool oo sidaas oo kale sameysay xilli ciyaareedyadii 2000-01/2001-02 iyo Tottenham Hotspur kal ciyaareedyadii 2016-17/2017-18.

>- Macallinka Man City ee Pep Guardiola ayaan marnaba guuldarro xiriir ah garoonkiisa kula kulmin kulammada horyaalka isagoo ka horjeeda koox, xaqiiqdii ninka reer Spain ayaa guuldarro la kulmay 13 ka mid ah 195-kii kulan ee uu garoonkeedii ku dheelay kulammada sare ee horyaalka isagoo tababare ah, in ka badan hal jeer kaliya ayaa laga badiyey waqtigaas waxaana labo jeer ka adkaatay Man Utd.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close