Harry Maguire oo kalsooni xoogan ka muujiyay inay guul ka gaari karaan kooxda Liverpool

(Manchester) 18 Jan 2020. Kabtanka cusub kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Maguire ayaa kalsooni xoogan ka muujiyay inay guul ka gaari karaan kooxda ay sida weyn u xilfaltamaan ee Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa habeen dambe ee Axada ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Anfield naadiga Manchester United, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tiran kulamada 23-aad ee horyaalka Premier League.

Haddaba Harry Maguire ayaa wareysi uu ku bixiyay Website-ka rasmiga ah ee kooxda Manchester United wuxuu kaga hadlay:

Image result for Harry Maguire

“Waan ku raaxeysan doonaa ku celinta wixii ka dhacay kulankii lugta hore mar kale”.

“Natiijadan waxay na siineysaa kalsooni, laakiin koox ahaan, waxaan kalsooni qabnaa kahor kulan kasta”.

“Waxaan bar-bardhac la galnay Liverpool, oo waxaan ka badinay Man City, taasoo lagu tiriyo kooxda ugu fiican Premier League xilligan la joogo”.

“Sidaas darteed waxaan hubnaa inaan heli karno saddexda dhibcood kulan kasta, waana tan aan sameyn doono kulanka Axada ee Liverpool”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close