Bayern Munich oo kalsooni ku qabta in Lorey Sane ay dib ugu celin karto wadankiisa hooyo

(Munich) 18 Jan 2020.  Bayern Munich ayaa wali kalsooni buuxda ku qabta saxiixa Lorey Sane, sida ay ku warameyso shabakada “Sky Sports” oo Germany ka soo baxda.

Lorey Sane ayaa lala xiriirinayay Bayer Munich suuqii xagaaga ee ugu danbeeyay, laakiin waxay go’aansadeen in suuqa bishan Janaayo aysan dib ugu laaban sabab la xiriirta dhaawiciisa.

Warar ka soo baxaya gudaha England ayaa sheegaya in uu qandraas cusub u saxiixayo kooxdiisa Manchester City.

Hadaba, Bayer Munich ayaa ku rajo weyn in Sane ay dib ugu soo celiyaan wadankiisa hooyo dhamaadka xilli ciyaaredkan.

Agaasimaha ciyaaraha ee Bayer Rummenigge ayaa had iyo jeerba xiriir la sameeyay wakiilka cusub ee Sane Fali Ramadani sida uu sheegay wargeyska “Bild” oo ka soo baxa gudaha Germany.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in Bavarian-ka ay wali diyaar u yihiin sidii ay ku soo qaadan lahaayen Lorey Sane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close