Horseed oo guul ay u baahneyd ka gaartay Gaadiidka kulan ka tirsanaa horyaalka Somali Premier League

(Muqdisho) 17 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa galabta guul ka gaartay naadiga Gaadiidka, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, labada kooxod ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican oo ay ku qancaan taageerayasha u soo daawasho tagay Ciyaartan.

Qeybtii koowad ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso kooxda Horseed.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta wiilasha Horseed ayaa dhowr fursad iska qasaariyay, kuwaas oo dhamaantood goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyn ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda kubadda cagta ee Horseed.

Guushan ay gaartay kooxda kubadda cagta ee Horseed ayaa waxay ka dhigan tahay iney iminka soo gashay kaalinta 2-aad ee miiska kala sareynta Horyaalka Somali Premier League, iyadoo leh 8-dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close