Christian Karembeu oo ka aragti dhiibtay haddii ay Real Madrid ku guuleysan karto UCL iyo La Liga xilli ciyaareedkan

(Madrid) 17 Jan 2020. Xiddigii hore kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Christian Karembeu ayaa xaqiijiyay in Zinedine Zidane inuu dib ugu soo celiyay naadiga Los Blancos wadadii saxda aheyd, kaddib natiijooyin aan wanaagsaneyn oo isdaba joog ah ay la kulmeen sanadkii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale Christian Karembeu ayaa tilmaamay in kooxda kubadda cagta Real Madrid ay awood u leedahay inay ku guuleysato horyaalka La Liga ee dalka Spain iyo tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Christian Karembeu ayaa soo xirtay maaliyada kooxda Real Madrid inta u dhaxeysay 1997 ilaa iyo 2000, wuxuuna kula guuleystay labo jeer oo tartanka Champions League ah, wuxuuna sidoo kale muhiim ka ahaa xulkiisa qaranka Faransiiska isagoo la qaaday koobkii adduunka ee 1998 iyo Euro 2000.

Karembeu ayaa horey u saadaaliyay in Real Madrid ay ku guuleysan doonto Champions League markeedii seddexaad, waxayna aheyd labo sano ka hor, laakiin wuxuu u arkaa xilli ciyaareedkan in Los Blancos ay awood u leeyahay inay ku guuleysto labada koob ee kala ah La Liga UCL, gaar ahaan madaama ay wada hoggaaminayaan horyaalka iyaga iyo Barcelona.

Christian Karembeu ayaa wareysi gaar ah uu bixiyay wuxuu su’aashii ugu horeysay ee lagu weydiiyay waxay aheyd Real Madrid ma ku guuleysan kartaa Champions League iyadoo ay jirto koox adag sida Liverpool oo kale? Wuxuuna ku jawaabay:

“Taageere ahaan kooxda Real Madrid, waxaan doonayay inaan arko Zinedine Zidane oo ku soo laabtay shaqada tababarka ee kooxda, si uu dib ugu soo celiyo wadada saxda ah, waadna arki kartaa kaddib soo laabashadiisa inuu isbedello badan sameynayo haatan, gaar ahaan tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo meesha ka baxay”.

“Isbeddelo badan ayaa hadda jira, natiijooyinkana waa kuwa wanaagsan, waqti badan kaddib Real Madrid ayaa mar kale ku guuleysan karta Champions League, sababtoo ah waxaa jira isbadalo waa weyn iyo shaqo aad u wanaagsan uu Zidane ka qabtay kooxda, wuxuu u soo laabtay si uu u dhiso kooxdiisa, haatan sidaas ayuu sameynayaa”.

“Real Madrid waxay heysataa ciyaartooy aad  u fiican sida Vinicius iyo Rodrygo, waxaana intaas ka sii sarreeya iney wali heysato Gareth Bale, Karim Benzema, Sergio Ramos, iyo dhamaan hogaamiyaasha kula soo guuleystay koobab badan Real Madrid, sidaas darteed waxaan hubaa in mar kale ay ku guuleysan karo koobka Champions League iyo sidoo kale horyaalka La Liga, sababtoo ah waxay hadda hoggaanka la haayaan Barcelona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close