“Xavi wuxuu noqon doonaa macalinka kooxda Barcelona” – Josep Maria Bartomeu

(Barcelona) 16 Jan 2020. Xidigii hore ee xulka qaranka Spain ee Xavi Hernández ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu badel u noqon karo Ernesto Valverde kaas dhaleecen xoogan kala kulmayay maamulka iyo taageryaasha Barcelona, kahor inta aan shaqada laga ceyrinin.

Xavi ayaa ka mid ah xidigaha ugu sameynta badan ee soo maray kooxda Barcelona iyo xulka qaranka ee Spain, oo uu kula guuleystay koobka adduun iyo koobka qaramada qaarada yurub.

Waxa uu maamula kooxda Al-Sadd ee dalka Qatar, ka mid yahay macalimiinta da’ayarta ah kuwooda ugu fiican.

Haddaba Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu oo la hadlyay wargeyska “Sports” ayaa wuxuu yiri:

Image result for josep maria bartomeu and Xavi Hernández

“Albaabku wuxuu u furan yahay macalimiin badan, laakin hada waxa aynu heysanaa Quique Setien” .

Josep Maria Bartomeu oo ka hadliisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku sii daray:

“Way cadahay Xavi waxa uu noqon doona maalin un macalinka kooxda Barcelona, waa shaqsi fiican oo si weyn u fahansan kubadda cagta, marka maalin un ayuu tababare u noqon doonaa Barca”.

Si kastaba ha noqotee macalinka cusub ee kooxda Barcelona oo saxiixay heshiis 2 sano iyo bar ah ayaa waxa uu kulankiisa ugu horeeya ka hortagi doona Axada soo aadan kooxda Granada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close