Mesut Ozil oo shaaca ka qaaday go’aankiisa ugu dambeeya ee la xiriira mustaqbalkiisa Arsenal

(London) 16 Jan 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mesut Özil ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa ugu dambeeya ee la xiriira mustaqbalkiisa garoonka Emirates.

Mesut Özil ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxda Gunners ilaa dhamaadka dhamaadka qandaraaska uu haatan ku joogo, taasoo muujineysa inuusan garaneyn waxa dhici doona mustaqbalka.

Xiddiga reer Germany ee Mesut Özil ayaa qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda Arssenal wuxuu dhacayaa xagaaga 2021, taasoo ka dhigan inay u harsan tahay hal xilli ciyaareed iyo bar.

Magaca Özil ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Arsenal suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bishan Janaayo, balse imaatinka tababare Mikel Arteta ayey wax walba is badeleen, wuxuuna noqday mid si aad ah ugu lug yeesha kulamada ay ciyaareyso Gunners, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, taasoo sababtay inuu sii joogo garoonka Emirates.

Haddaba Mesut Özil oo la hadlayay shabakada “beIN SPORTS” ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa kooxda Arsenal wuxuu yiri:

Image result for Ozil

“Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda, waan ku faraxsanahay qandaraaskeyga Arsenal, waana sii joogi doonaa halkan xilli ciyaareedkan iyo xilli ciyaareedka soo aadan”.

“Kuuma sheegi karo waxa dhici doona mustaqbalka, dabcan aad ayaan u xiiseynayaa waxa dhici doono mustaqbalka, laakiin ma garanayo waxa dhici doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close