Lautaro Martínez oo ka hadlay xiisaha ay kooxda Barcelona u qabto adeegiisa

(Milan) 16 Jan 2020. Weeraryahanka reer Argentina iyo kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Lautaro Martínez, ayaa ka hadlay xiisaha ay Barcelona u qabto adeegiisa.

22-jirkan ayaa si aad ah kaga soo muuqday kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan, wuxuuna ku guuleystay inuu dhaliyo 15 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 3 kale, 24 kulan uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Wargeyka “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga ayaa soo xigtay wareysi uu Lautaro Martínez ku bixiyay shabkada “TyC Sports” ee dalka Argantina wuxuuna yiri:

لاوتارومارتينيز

“Maanta waxaan u dagaalamayaa maaliyada kooxda Inter, halkan taageerayaasha way i jecelyihiin, waana ku faraxsanahay inaan la joogo kooxdeyda”.

“Hadii ay jiraan xanta ku saabsan kooxda Barcelona, waxay taasi ka dhigan tahay inaan u soo muuqday si fiican, waana inaan sii wadaa heerkan”.

“Marka aan seexdo, aad ayaan u deganahay oo waan faraxsanahay, waxaanna ku dareemaa kalsooni kooxda Inter”.

“Waxa aan ku sameeyo Inter Milan waxay u fiican tahay waddankeyga, waa inaan maalin walba ka shaqeyaa sida aan ku xiran lahaa maaliyada Argantina, Scaloni wuu i aaminay, wuxuuna ii yeeray in ka badan hal jeer, taasina waa muhiim” ayuu yiri Martínez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close