Kooxda Juventus oo ku garaaceysa PSG, Liverpool, Man United iyo Man City saxiixa xiddig muhiim ah

(Turin) 16 Jan 2020. Wararka ka soo baxaya gudaha dalka Talyaaniga ayaa waxa ay ku waramayaan in Juventus ay hogaamineyso tartanka loogu jiro ciyaaryahanka kooxda Brescia ee Sandro Tonali.

Tonali ayaa saxiixiisa si weyn ay ugu tartamayaan kooxo badan oo ka dhisan qaarada Yurub.

Madaxweynaha Brescia Massimo Cellino ayaa ku dadaalay in suuqii xagaagan aanu kooxda ka tagin Tonali, maadaama ay kooxo badan sare u qaadeen qiimaha ay ku doonayaan.

Tonali oo lagu qiimeyo €50m ayaa waxaa ku tartamaya kooxo ay ka mid yihiin Juventus, Paris Saint-Germain, Liverpool, Manchester United iyo Manchester City.

Wargeyka caanka ah “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa tilmaamay in Old Lady ay hogaamineyso kooxaha raacdada ugu jira xidigan.

Tonali ayaa 18 kulan xilli ciyaaredkan kooxdiisa kala soo muuqday horyaalka talyaaniga hal gool ayuuna u dhaliyay, 2 kalena waa uu caawiyay, laakin ma uusan awoodin in kooxdiisa Brescia ka caawiyo inay ka soo baxdo heerka hoose ee horyaalka Talyaaniga ee afka qalaad lagu yirahdo “Relegation zone”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close