Gary Neville oo talo muhiim ah u diray xiddigaha weerarka ee Man Utd si ay kaga adkaadaan kooxda Liverpool

(Manchester) 16 Jan 2020. Indhaha taageerayaasha horyaalka Premier League ayaa waxay ku sii jeedaan kulanka weyn ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Manchester United garoonka Anfield Axada soo socota, kaasoo ka tirsan kulamada 23-aad Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Haddaba Kabtankii hore kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa fariin uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka kahor kulanka Axada wuxuu ku sheegay:

“Ma sugi karo ilaa iyo Axada si aan u soo gabagabeeyo orodkan waxaan u baahanahay in weeraryahanadeena ay karoosyada ku helaan meel u dhow birta, isla markaana ay kubadda ku weerartamaan Lix yaardi xerada ganaaxa, sida tan oo kale ee quruxda badan ee dhacday sanado badan kahor”.

Intaas kaddib Gary Neville ayaa bar-tiisa Twitter-ka wuxuu soo dhigay muuqaal ah labo gool uu iska dhaliyay xiddigii hore kooxda Liverpool ee Jamie Carragher inta lagu gudi jiray kulankii ay labadan kooxood United-ka iyo Reds ku wada ciyaareen xilli ciyaareedkii 1999/2000, kaasoo ku soo dhamaaday 3-2 ay guusha ku raacday Red Devils.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close