RASMI: Salah, Mane, Mahrez iyo Aubameyang oo seegaya LIX kulan oo Premier League ah

(England) 15 Jan 2020. Salah, Mane, Aubameyang, Zaha, Ndidi, Mahrez iyo xidigaha la midka ah ayaa waxa ay kooxahooda ka maqnaan doonan 6 kulan oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaaredka soo aadan.

Waxaa shaaca laga qaaday goorta la ciyaari doono tartanka caanka ah ee Africa Cup of Nations.

Bilaha Janaayo iyo Feebaraayo ayaa si toos ah loo qaban doona tartanka kaas oo ka dhici doono dalka Cameroon.

Xiriirka kubadda cagta dalka Cameroon ee Cameroon Football Federation (Fecafoot) ayaa sheegay in tartankan uu bilaaban doono 9 Janaayo, islmarkaana la soo gabo-gabeyn doono 6-da bisha Febaraayo ee sanada 2021.

Tartanka waxaa laga soo raray in la ciyaaro bilaha June iyo July, iyadoo dalka Masar lagu marti galiyay koobkii ugu danbeeeyay oo ay qaadeen xulka qaranka ee Algeria.

Tani macnaheeda ayaa ah in koobkan uu ku soo aadi doono bartamaha horyaalka Premier League ee sanad ciyaaredka 2020/2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close