RASMI: Kooxdii ugu fiicnayd Champions League sanadkii hore ee 2019 oo la shaaciyey… (Imise ciyaaryahan ayay ku yeelatay Liverpool?)

(Yurub) 15 Jan 2020. Kooxdii ugu fiicnayd Tartanka Champions League sanadkii 2019 ayaa la go’aamiyey kaddib markii la dhiibtay in ka badan 2,000,000 (Labo Milyan) oo cod.

Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay 11-ka laacib ee ugu fiicnaa boos kasta tartanka Champions League sanadkii aynu ka soo gubdinay ee 2019.

Liverpool ayaa ku yeelatay shan ciyaaryahan 11-ka laacib ugu fiicnaa Champions League sanadkii la soo dhaafay.

Waxaase layaab noqotay in kooxdii gaartay final-ka Champions League aysan shaxdan ku yeelay xitaa hal ciyaaryahan.

Booska goolhayaha waxa ku soo baxay shabaq-ilaaliyaha kooxdiisa kula guuleystay koobka horyaallada Yurub xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee Alisson.

Reds ayaa sidoo kale waxa ay afarta daafac ee shaxdan ku yeelatay saddex laacib oo kala ah Andy Robertson, Alexander-Arnold iyo daafaca dhexe ee Virgil van Dijk, waxaana afarta daafac dhammaystiray da’yarka hadda ka tirsan Juve balse wacdaro ka dhigay Ajax kal ciyaareedkii la soo dhaafay.

Xiddiga kooxda Man City ee Kevin de Bruyne iyo laacibka Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa noqday ladaba xiddig ee ugu fiicanaa khadka dhexe tartanka Champions League sanadkii hore.

Labada garab waxaa ka soo muuqday Weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane iyo kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.

Waxaana labada weeraryahan ee shaxdan hoggaaminaya ay kala yihiin dhaliyaha kooxda Juventus eee Cristiano Ronaldo iyo midka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda oo dhammaystiran:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close