RASMI: Kooxda Chelsea oo fasaxday mid ka mid ah xiddigaheeda

(London) 15 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea oo ka dhisan Galbeedka Magaalada London ayaa fasaxday mid ka mid ah xiddigaheeda.

Da’yarka Cheslea ee Conor Gallagher ayaa ugu biiray kooxda Swansea qaab amaah ah isagoo u ciyaari doona inta ka dhiman xilli ciyaaredkan.

19 sano jiran ayaa waqtigiisii kooxda Charlton Athletic ee xilli ciyaareedkan 2019-2020 waxa uu ahaa mid aad u sareeya.

Conor Gallagher ayaa qandraaskiisa Chelsea uu dhici doona dhamaadka sanadka 2022-ka, 6 gool ayuu dhaliyay 3 kalena wa uu caawiyay 26 kulan oo qadkan dhexe uu ciyaaray kooxda Charlton Athletic.

Conor Gallagher ayaa noqday ciyaaryahankii saddexad ee suuqan ay la soo wareegto kooxda Swansea, Marc Guehi ayaa sidoo kale amaah ay kaga soo qaateen Chelsea halka xidiga kalena uu yahay Rhian Brewster oo isna amaah ay kaga soo qaateen Liverpool.

Wuxuu ku guuleystay sanad ciyaaredkii 2018-2019 Academy player of the year ee Chelse, Brewster iyo Guehi ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda ka yar 17-jirada ee England kula guuleystay koobka aduunka 2017.

Kaddib markii uu ku biiray kooxda Swansea ayaa Gallagher waxa uu u sheegay webside-ka rasmiga ah ee kooxda:

“Aad ayaa ugu faraxsanhay in aan ku biiro koox weyn sida Swansea City”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close