Kooxaha Rajo FC iyo Dekedda oo galabta ku ballansan garoonka Eng Yariisow

(Muqdisho) 15 Jan 2020. Kooxaha Rajo FC iyo Dekedda ayaa galabta ku ballansan garoonka Eng Yariisow Stadium Ex-Koonis, ciyaar qeyb ka ah tartanka Horyaalka Somali Premier League ee fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan labadan kooxood ayaa diyaar-garow xooggan u galay kulankan ciyaareedkan.

Naadiga Dekedda FC kulankii ugu dambeyay waxa ay 2-1 ugu soo adkaatay kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan FC.

Wiilasha Rajo FC ayaa dhankooda ciyaartii ugu dambeysay waxa ay guuldarro xanuun badan kala soo kulmeen Naadiga Gaadiidka.

Dekedda waa kooxda iminka hoggaanka horyaalka haysa, iyadoo leh 7-dhibcood oo nadiif ah, kuna darso waa kooxdii ku guuleysatay horyaalkii la soo dhaafay ee Somali Premier League.

Wiilasha uu hoggaamiyo Macallin Yuu Cali Kulanka galabta waxaa dhaawac ugu maqnaanaya xiddigooda Idiris Aamiin Cali, kaas oo dhaawac qaba.

Kooxda Dekedda waxay sanadkan u hanqal taagaysaa inay ku guuleysato markeedii afaraad horyaalka Somali Premier League.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Somali Premier League

Kooxaha: Rajo vs Dekedda

Garoonka: Eng Yariisow Stadium

Saacadda: :3:30 Galabnimo

W/D: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close