Henderson oo ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa England 2019

(England) 15 Jan 2020. Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jordan Henderson ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay isla markaana ay sharaf u tahay in loo doortay laacibkii ugu fiicnaa England ee sanadka 2019.

Jordan Henderson ayaa loo caleemo saaray abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa England, wuxuuna ku garaacay abal-marintan ciyaartoyda kala ah Raheem Sterling iyo Harry Kane, kaddib markii uu ka caawiyay xulkiisa qaranka inay u soo baxaan koobka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxayna sidoo booska saddexaad kaga dhameysteen koobkii UEFA Nations League.

Image result for jordan henderson BT Award

Sidoo kale Jordan Henderson ayaa wuxuu kooxdiisa Liverpool ku hoggaamiyay inay ku guuleysato koobka UEFA Champions League bishii June ee lasoo dhaafay.

Haddaba Jordan Henderson ayaa kaddib marka uu ku guuleystay abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa England wuxuu boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qoray:

“Waxaan ku faraxsanahay isla markaana sharaf ii ah in la i gudoonsiiyo abaal-marinta BT Award ee ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan England”.

“Intaas ka badan, waxaan ka fikirayaa sida uu u xooganaan lahaa xulka qaranka ee haatan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close