Carles Puyol oo si cajiib ah kaga hadlay shaqo ka ceyrintii Ernesto Valverde ee kooxda Barcelona

(Barcelona) 15 Jan 2020.  Kabtankii hore kooxda kubadda cagta Barcelona ee Carles Puyol ayaa ku amaanay macalinkii hore ee Blaugrana Ernesto Valverde wax qabadkiisa mudadii uu kooxda maamulayay.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday habeenkii Isniinta inay shaqada ka cayrisay Tababare Ernesto Valverde, isla markaana waxa ay magacaabatay macallin cusub.

Barcelona waxa ay bedelka Tababare Ernesto Valverde u magacaabatay macallinkii hore ee kooxda Real Betis ee Quique Setien.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Carles Puyol kaddib markii shaqada laga ceyriyay Ernesto Valverde wuxuuna yiri:

“Waxaan u mahad celinayaa Valverde, isaga wuxuu qabtay shaqo cajiib ah”.

“Waxaan xasuustaa sanadihii ugu horeeyey ee aan la qaatay kooxda Blaugrana, taasoo ahayd mid aad u adag, waxaa nasoo martay shan sano oo aanan ku guuleysanin wax koob ah”.

“Ernesto wuxuu ku guuleystay horyaalka labo xilli ciyaareed, wuxuuna ka tagay kooxda isagoo hoggaaminaya La Liga, waxay u soo baxeen wareega xiga tartanka Champions League iyo sidoo kale Copa del Rey”.

“Waa inaan uga mahadceliyo ka taago ahaan Barcelona wax walba uu u sameeyay kooxda iyo hab dhaqankiisa”.

Intaas kaddib Carles Puyol ayaa wuxuu ka hadlay macalinka cusub kooxda Barcelona ee Quique Setien wuxuuna yiri:

“Waxaan rajeynayaa in wax walba ay ugu socdaan si wanaagsan, waxaan had iyo jeer u rajeynayaa Barcelona waxa ugu fiican”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close