Real Madrid oo bar-tilmaameed ka dhiganeysa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican Yurub

(Madrid) 14 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa bar-tilmaameed ka dhiganeysa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican Yurub, si ay ugu xoojisato weerarkeeda.

Weeraryahanka RB Leipzig ee Timo Werner ayaa la soo jeedinayaa in ay xiiseyeyso Real Madrid sida lagu sheegay shabakada “Sky” oo Germnay ka soo baxda.

Los Blancos ayaa dooneysa in 23-sano jirkan ay soo qaadato si uu sare ugu sii qaado weerarkeeda, islmarkaana uu tartan ula galo weerar dooqeeda koowad ee Karim Benzema.

Image result for timo werner to real madrid

Waxaa xusid mudan in Luka Jovic uu ilaa iyo iminka la dhibaatonayo la qabsashada Real Madrid, taas oo kooxda Zidane ku sii qasbeysa in ay xooga saaran Werner.

Los Blancos ayaa qorsheeneysay inay la soo wareegto Timo Werner suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, inkastoo ay ku guul dareysatay, markaasoo qandraaskiisa lagu bur burin karay €60 million.

Si kastaba ha noqotee xiddigan reer Germany ee Timo Werner ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu fiican ee ka ciyaara qaarada Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close