Muxuu ka yiri Vicente del Bosque go’aankii ay Barcelona shaqada kaga ceyrisay Ernesto Valverde?

(Barcelona) 14 Jan 2020. Macalinkii hore xulka qaranka Spain ee Vicente del Bosque ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan in Ernesto Valverde laga ceyriyay shaqada tababarka ee kooxda kubadda cagta Barcelona.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday xalay inay shaqada ka cayrisay Tababare Ernesto Valverde, isla markaana waxa ay magacaabatay macallin cusub.

Barcelona waxa ay bedelka Tababare Ernesto Valverde u magacaabatay macallinkii hore ee kooxda Real Betis ee Quique Setien.

Haddaba Vicente del Bosque oo ka hadlayay shaqo ka ceyrintii lagu sameeyay Ernesto Valverde ayaa wuxuu yiri:

“Waan ka xumahay, sida aan sameeyo had iyo jeer marka tababare la ceyriyo bar-tamaha xilli ciyaareedka”.

“Gaar ahaan qof sida Ernesto Valverde oo kale ah, kaasoo had iyo jeer tusaale u ahaa qaabka loo dhaqmo”.

“Waqtigan xaadirka ah, waxay kaga jiraan booska koowaad ee horyaalka La Liga, waxayna u soo baxeen wareega xiga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close