Miyuu seegi doonaa Harry Kane koobka Euro 2020? Jose Mourinho ayaa ka jawaabaya

(London) 14 Jan 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa si maldahan u sheegay suurta galnimada ah in weeraryahanka reer England ee Harry Kane uu ka maqnaan doono koobka Euro 2020 ee soo socda, kaddib markii uu sheegay inuusan markale ciyaari Karin inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Harry Kane ayaa galay qolka qaliinka horaantii Isbuucan, si qaliin looga sameeyo lugtiisa bidix, sababa la xiriira in laga daweeyo xanuunkii uu ka qabay, mudooyinkii lasoo dhaafay.

Inkastoo ay sidaas jirto hadana saxaafada gudaha Ingiriiska ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Harry Kane uu dhaawac ku maqnaanayo illaa dabayaaqada bisha Abriil, Jose Mourinho ayaana cadeeyay in xitaa uu maqnaan karo ilaa iyo bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska “The Express” ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay mcalinka reer Portugal ee Jose Mourinho waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for harry kane injury

“Waxaan isku dayeynaa inaan intii aan awoodno ku soo ceshano Harry Kane sida ugu dhaqsida badan, hada wax war ah kama hayno isaga, hadii aad i weydiiso wax walba oo ku saabsan isaga marwalba oo aan halkan imaado, jawaabta waxay noqon doontaa mid isku mid ah”.

Mourinho oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan taariikhda la filayo in 26 jirka uu ku soo laabto kooxda Tottenham, ayaa wuxuu ku jawaabay:

“Waxaan filaynaa inuu ku soo laaban doono ilaa iyo bartamaha ama dhamaadka bisha Abriil, laga yaabee inay noqoto bisha May ama xilli ciyaareedka dambe, runtii si sax ah uma aqaano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close