Macalinka kooxda Elman oo si RASMI ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kaga qeyb galaya kulanka galabta ee MCC

(Muqdisho) 14 Jan 2020. Kooxaha Mogdisho City Club iyo Elman Fc ayaa ku balansan garoonka Eng Yariisow, ciyaar qeyb ka ah tartanka horyaalka Somali Premier League, waana kulankii 15-aad ee laga ciyaarayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kulanka ayaa ah mid aad u xiiso badan waana ciyaarta loogu magac daray Derby Capital ama kulanka Caasimada, labadan kooxood ayaa ah kuwa isla xisaabtama marka ay timaado kubadda cagta.

Hadaba Macalinka hogaamiya kooxda jaalayasha ee Elman Ciise Roberto Mayanjo ayaa soo saaray liiska 18-ka ciyaartooy ee ugu qeyb galeya kulanka ay la dheeli doonan kooxda Mogdisho City Club.

kaliya kooxda Elman kulanka galabta waxaa dhaawac ugu maqnaanaya xidigeeda daafaca ugu ciyaara ee Bile Cilmi Wehliye kaas oo dhaawac qaba, balse inta kale waa kuwa taam u ah kooxda.

Hadaba Sawirka hoose kaga boggo liiska 18-ka ciyaaryahan uu u soo xushay macalin Ciise Roberto Mayanjo:

W/D Cabdifitaax Nani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close