Kooxda Liverpool oo diiday dalab ay Roma ka soo gudbisay Xherdan Shaqiri

(Liverpool) 14 Jan 2020. Liverpool ayaa iska diiday dalab amaah ah oo Roma ay ku doonayso  Xherdan Shaqiri, sida laga soo xiganayo “Fabrizio Romano”.

Kooxda macallin Paulo Fonseca ee Roma ayaa doonaya in ciyaartoyga caalamiga ah ee qaranka Switzerland ay badal kaga dhigaan Nicolo Zaniolo, kaas oo inta ka dhiman xilli ciyaaredkan la maqnaan doona dhaawac jilibka  ah oo soo garay.

Reds ayaa marnaba rajaynayn in Shaqiri ay ka diraan garoonka Anfield inta lagu gudo jiro bishan Janaayo.

Xiddigii hore ee kooxaha Basel, Bayer Munich, Inter Milan iyo Stoke City ayaa booska joogta ka haysan Kooxda Macallin Klopp ee Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close