Kooxaha Mogadishu City Club iyo Elman oo barbaro ku kala baxay

(Muqdisho) 14 Jan 2020. Kooxaha Mogadishu City Club iyo Elman ayaa galabta kulan xiiso badan kuwada ciyaaray garoonka Eng Yariisow ee Ex Koonis, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Qeybtii koowaad kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineyso kooxda Elman Sports Club waxaana u dhaliyay ciyaaryahankeeda lagu magacaabo Jaamal, sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta wiilasha M.C.C ayaa dardar xooggan ku soo galay garoonka, iyagoo rabay inay iska soo gudaan goolka madiga ahaa ee ku maqanaa, taas oo sababtay inay helaan goolkii barbaraha ciyaarta, waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Feysal Hazard goolkaas oo ahaa mid rigoore ku yimid.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1, taasoo labada kooxod ay dhibcaha ku kala qaateen.

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close