Barcelona oo shaacisay faahfaahinta xilliga ay soo bandhigeyso macalinkeeda cusub ee Quique Setien

(Barcelona) 14 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay faahfaahinta xilliga ay soo bandhigeyso macalinkeeda cusub ee Quique Setien, kaasoo shaqadiisa toos kala wareegi doona Ernesto Valverde.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday xalay inay shaqada ka cayrisay Tababare Ernesto Valverde, isla markaana waxa ay magacaabatay macallin cusub.

Kooxda reer Catalonia ayaa waxa ay bedelka Tababare Ernesto Valverde u magacaabatay macallinkii hore ee kooxda Real Betis ee Quique Setien.

Haddaba wrageyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in tababare Quique Setien uu ku saxiixi doono heshiiska cusub uu ugu biirayo kooxda Barcelona saacada marka ay tahay 1:30 duhurnimo maanta oo Talaado ah qolka shirarka ee garoonka Camp Nou.

Macalinka reer Spain ee Quique Setien ayaa 30 daqiiqo kaddib wuxuu bilaabi doonaa in sawirro xusuus ah looga qaado gudaha garoonka Camp Nou.

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa intaas kaddib 2:30 duhurnimo wuxuu kaga soo hor muuqan doonaa warbaahinta shirkiisa jaraa’id ugu horeeyay isagoo macalinka Blugarana ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close