RASMI: Kooxda Mogadishu City Club oo maanta soo bandhigtay labo ciyaaryahan oo cusub… + SAWIRRO

(Muqdisho) 13 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Mogadishu City Club ayaa maanta xeradeeda tababarka ku soo bandhigtay labo ciyaaryahan oo cusub, kuwaasoo boosas kala duwan ka ciyaara.

Xiddigaha ayaa kala ahaa Cabdulaahi Ibraahim Diiriye oo ka yimid Shaleembood, balse dhowr kulan ka soo muuqday tartanka General Daa’uud, isagoo matalaayay kooxda Rajo iyo sidoo kale laacib ajnabi ah oo la yiraahdo Stephana kaasoo u dhashay dalka Ivory Coast, wuxuuna ka ciyaara daafaca dhexe, isagoo iminka loollan adag la gali doona xiddigaha kala ah Ciise iyo Baanu.

Naadiga Mogadishu City Club ayaa diyaar garow xooggan u gashay horyaalka iminka soconaya, iyadoo rabta inay ku guuleysato, maadaama kal hore ay ugu dambeysay inay gacanta ku dhigto horyaalka Somali Premier League.

Saxiixyadan cusub ayaa la filaya inay ka soo muuqdaan kulanka ay maalinta barri kooxda Mogdisho City Club la dheeli doonto naadiga Elman, ciyaartaasoo qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartoydan ayaa la guddoonsiiyay lambarada ay u xiran doonan kooxdooda  cusub ee M.C.C, waana lambarrada kala ah 15 iyo 25, Stephana ayaa xiran doona lambarka 25-aad, halka Cabdulaahi Ibraahim Diiriye uu xiran doono lambarka 15-aad ee kooxdan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Mogadishu City Club ayaa kulan xiiso badan waxay ay berrit la dheeli doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Elman.

SAWIRRO:

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close