RASMI: Kooxda AC Milan oo la saxiixatay daafac cusub

(Milan) 13 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ula saxiixatay daafacii naadiga Sevilla ee Simon Kjaer.

Waxa ay ku soo qaateen heshiis amaah ah oo ay qiyaar u haystaan inay wada iibsadaan kaddib markii la soo gaabiyey heshiiskii uu ku joogay Atalanta.

Daafacan ayaa aaday horyaalka Serie A maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ee 2 bishii September, isagoo qiyaar u haystay in la wada iibsado dhammaadka xilli ciyaareedka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ku dhibtooday inuu la qabsado kooxda Gian Piero Gasperini, waxa uuna u saftay kaliya lix kulan oo tartan rasmi ah.

Kooxda Sevilla ayaa sii daysay bayaanka ay ku xaqiijinayso in 30-sano jirkaan heshiiskiisii Atalanta la soo yareeyey, isla markaana uu ku biiray Milan.

Daafacan ayaa horay uga gudbay tijaabadii caafimaad ee uu u maray kooxda AC Milan bilowgii todobaadkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close