Kumuu ahaa shaqsigii wajiga qarsaday ee sii galayey xerada tababarka Kooxda Man United, miyuu ahaa saxiix cusub?

(Manchester) 13 Jan 2020. Ninkii wajiga gacanta ku qarasanayey ee la sawiray isagoo sii galaya xarunta Tababarka kooxda Manchester United, kaasoo Jamaahiirta naadiga jahawareer ka dhex abuuray ayaa la ogaaday waxa uu yahay.

Waxaa la garan waayey nin isagoo gaari Mercedes ah lagu wado, isla markaana isqarinaya la geeyey xaruunta tababarka kooxda Manchester United, kaasoo Taageerayaasha kooxda Red Devils ay aamineen inuu yahay saxiix cusub.

Kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford ayaa waxa ay wadahadallo kula jirtaa xiddigo dhowr ah, waxaana ka mid ah laacibka khadka dhexe ee naadiga Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes.

Taageerayaasha Kooxda Man United ayaa mooday in ninkaasi ahaa xiddiga khadka dhexe ee Naadiga Wolves, Roben Neves, halka kuwo kale ay sheegeen inuu yahay laacibka ay Neves isku kooxda yihiin ee Raul Jmenez, laakiin sheekadaas hadda waa ay beenowday.

Kuwo kale oo Jamaahiirta ka mid ah ayaa iyaguna sheegay in ninkaasi uu ahaa David De Gea, balse Goolhayaha koowaad ee kooxda ayaa la arkay isagoo Gaarigiisa kaxaysanaya oo soo galaya xarunta tababarka, taasoo gabi ahaan sheegashadaas meesha ka saartay.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska The Sun ayaa hadda xaqiijiyey in shaqsigaasi uusan xitaa ahayn laacib ciyaara kubadda cagta.

Wargeysku waxa uu ogaaday in shaqsigaasi yahay nin booqanayey xarunta tababarka kooxda Manchester United, kaasoo aan wax xiriir ah la lahayn suuqa kala iibsiga xiddigaha.

“Isagoo gacantiisa sare u qaadaya ayuu sawirku ku dhacay ee ma uusan ahayn mid is-qarinaya, mana ahayn ciyaaryahan.” Sidaas waxaa u sheegay The Sun ilo ku dhow kooxda kubadda cagta Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close