Fede Valverde oo la ganaaxay imise kulan ayuu ka maqnaan doonaa Kooxdiisa Real Madrid?

(Madrid) 13 Jan 2020. Fede Valverde ayaa la soo warinayaa in ganaax garka loo geliyey, isla markaana uu seegi doono kulanka soo aaddan ee ay ciyaareyso kooxdiisa Real Madrid.

Si ka duwan qaababkii hore ee Supercopa de Espana, ganaaxyada kaararka cas ee tartanka xilli ciyaareedkan 2019/20 ayaa u wareegi doona kulammada soo socda ee maxalliga ah.

Waxa ay tani la micno tahay in Fede Valverde uu ganaax ku seegi doono kulanka Kooxdiisa Real Madrid ay Sabtida la leedahay naadiga Sevilla ee Horyaalka LaLiga Santander.

Xiddiga xulka qaranka Uruguay ayaa la tusay kaarka cas kulankii xalay ay kooxdiisu ka horjeeday Atletico Madrid ee final-ka Supercopa de Espana, kaddib markii uu dhulka dhigay Alvaro Morata, iyadoo aan ciyaaryahan kale isaga ka dambeyn.

Waxaa laga yaabaa in xitaa uu la kulmo ganaax dhowr kulan ah, maadaama ay ahayd kaarka cas oo toos ah, laakiin waxaa loo baahan yahay in la sugo oo la arko waxa dhaca, balse hubaal waa uu seegi doonaa kulanka Sabtida ee horyaalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close