Warar kala duwan oo ka soo baxaya heshiiskii uu Xavi tababare ugu noqon lahaa kooxda Barcelona

(Barcelona) 12 Jan 2020. Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya wararka la xiriirinaya in Xavi Hernández uu dib ugu laabanayo kooxda Barcelona si uu u noqdo badelka Ernesto Valverde.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xavi Hernández uu diiday heshiis kata uu ugu biirayo Barcelona, ilaa kooxda si rasmi ah ay u ceyriso Valverde, halka kuwo kale ay sheegayaan in Xavi uusan haatan u saxiixi doonin Barca.

Sida uu warinayo Khaled Waleed oo ka howgala shabakada “beIN Sports”  Xavi ayaan loo mgacaabi doonin tababaraha cusub ee kooxda Barcelona inta laga ceyrinayo Ernesto Valverde.

Suxifigaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray:

“Xavi hadda waa macalinka kooxda kubadda cagta ee Barcelona! Dhamaan faahfaahinta heshiiskan waxaa lagu dhawaaqi doonaa maanta oo Axad ah kooxdiisa Al Sadd sharaf ayey u tahay waxayna kaga mahadcelinayaan shaqadiisa naadiga”.

“Taariikhda lasoo bandhigayo iyo kulankiisa ugu horeeya isagoo ah tababaraha Barca ayaa sidoo kale lagu dhawaaqi doonaa”.

Isla waqtigaas wuxuu soo bandhigay sawir ay ku mideysan yihiin Xavi Hernández, Khaled Waleed iyo Abidal, wuxuuna qiray in heshiiska dib u soo laabashada Xavi ee Barca uu dhacay.

Si kastaba ha ahaatee wariyaha ka tirsan RAC1 Romero ayaa isagana qiray in sawirkaas uu yahay mid hore, isla markaana aan la xaqiijin in Xavi uu saxiixi doono heshiiska uu dib ugu laabanayo kooxda Barcelona.

Dhinaca kale, jariidada Mundo Deportivo ayaa warineysa in Xavi Hernández uusan u saxiixi doonin Barca haatan balse uu qaban karo bisha June.

Mundo Deportivo waxay sabab uga dhigtay in Xavi uusan haatan ku biiri Karin kooxda Barcelona, maxaayeelay inuu ku jiro heshiis isla markaana uu doonayo inuu dhameysto qandaraaskiisa naadiga Al Sadd.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close