Macalinka Kooxda Sporting Lisbon oo ka jawaabay waxa ka jira wararka Bruno Fernandes la xiriirinaya Man United

(Lisbon) 12 Jan 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Sporting Lisbon ee Silas ayaa wuxuu si maldahan u sheegay in xiddigiisa Bruno Fernandes uu ka tagayo kooxda maalmaha soo socda.

Dhinaca kale tababare Silas ayaa wuxuu cadeeyay inuu doonayo inuu qeyb kaga dhigo Bruno Fernandes kulanka soo aadan ay wada ciyaari doonaan kooxaha Sporting Lisbon iyo Benfica.

Wargeysyada caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay xaqiijiyeen in Manchester United ay heshiis kama dambeys ah la gaartay kooxda Sporting Lisbon, kaasoo la xiriira saxiixa Bruno Fernandes.

Xiddigan reer Portugal ee Bruno Fernandes, ayaa bar-tilmaameed buuxa u ahaa kooxda Manchester United tan iyo xagiigii la soo dhaafay, kaddib qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay uu ka sameeyay Sporting Lisbon, iyo sidoo kale xilli ciyaareedkaan, isagoo dhaliyay 13 gool, halka 10 kalena uu ka caawiyay saaxiibadiis, 24 kulan uu ciyaaray, inkastoo uu ahaa xiddig ka ciyaara qadka dhexe.

Sida laga soo xigtay shabakada “Goal” Tababare Silas ayaa wuxuu sheegay:

Image result for Silas and Bruno Fernandes

“Ma awoodo inaan wax damaanad qaado, sababtoo ah ma garanayo waxa uu mustaqbalkiisu yahay”.

“Kaliya waxaan ka fikirayaa kulanka soo aadan ee Benfica, waxaana doonayaa inaan u isticmaalo Bruno Fernandes kulankan, laakiin sidaan sheegay waxaan dammaanad qaadi karin wax walba”.

Dhinaca kale xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa waxay wararku sheegayaan inuu ogolaaday inuu u saxiixo kooxda Manchester United heshiis gaaraya ilaa iyo 2025-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close