Kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay Spanish Supercopa kaddib markii ay garaacday Atletico Madrid… + SAWIRRO

(Jeddah) 12 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay Spanish Supercopa kaddib markii ay ka adkaatay naadiga ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid.

Los Blancos iyo Atletico ayaa ku kala bixi waayey barbaro goolal la’aan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta, waxaana loo baahday in lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri ah, balse sidaas oo kale waa lagu kala bixi waayey, inkastoo fursado goolal loo filan karay la isku helay labada dhinac.

Kooxda Real Madrid ayaana ugu dambeyntii ku adkaatay rigooreyaal 4-1, waxaana Atletico gool ku laadyada ka khasaariyey Saul Niguez iyo Thomas.

Real Madrid ayaana sidaas ku qaaday Spanish Supercopa markeedii 11-aad, waana markii ugu horreysay oo ay caawa koobkan ku guuleysato tan iyo sanadkii 2017-kii.

Kooxda Los Blancos ayaana koobkan Supercopa de España ku kala guuleysatay 11 sanadood oo kala ah;- 1988, 1989, 1990, 1993, 1997, 2001, 2003, 2008, 2012, 2017 iyo 2020.

Dhinaca kale Tababare Zinedine Zidane ayaa qaaday koob waliba oo uu final-kiisa tagay inta uu tababare u yahay kooxda Real Madrid, waxaana uu haatan sidaas ku qaaday caawa final-kiisii sagaalaad.

Macallin Zidane ayaana koobabkaas sagaalka ah oo uu ku guuleystay ay kala yihiin;  2016 UCL, 2016 UEFA Supercup, 2016 Club World Cup, 2017 UCL, 2017 UEFA Supercup, 2017 Spanish Supercopa, 2017 Club World Cup, 2018 UCL, 2020 Spanish Supercopa.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close